Published On: Thu, Apr 13th, 2017

Wiil yar oo mudaaharaadaysay oo lagu dilay Venezuela

Wiil yar oo mudaaharaaadaysay ayaa lagu dilay dalka Vanezuela, iyadoo ay ka sii darayaan xiisadda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee dalkaas ka taagan.
Wiilkan oo 14 jir ah iyo qof kale oo mudaaharaadayay ayaa toogasho lagu dilay habeenimadii Talaadada iyaga oo ku sugan magaalada Barquisimeto.

Gafernatooraha deegaankaas ayaa arrintan ku eedeeyay dad taageersan dawladda oo hubaysnaa, labadan arday waxaa la dilay intii uu socday mudaaharaadkii todobaadkii hore.
Madaxweyne nimada Nicolas Maduro ayay soo foodsaartay caddaadis isa soo taraya iyadoo ay waxyeelo ka soo gaartay dhaqaalihii dalkaas, dadka ka soo horjeedana ay ku eedaynayaan in uu abuurayo xukun kaligii talisnimo ah.

Wadahadallada Venezuela oo fashilay
Banaanbaxyo gilgilay Venezuela
Maraykanka oo cunaqabatayn saaray madaxweyne ku xigeenka Venezuela
Askari boolis ah oo lagu dilay dibadbaxyo ka dhacay Venezuela
Madaxweyne Maduro oo sheegay in uu ka hortagay afgambi
Dad caraysan ayaa ku mudaaharaaday Maduro oo ka soo baxay munaasabad ay lahaayeen milatariga oo ka dhacaysay gobolka Bolivar ee ku yaala koonfurta-bari ee dalkaas, arrintaas ayaa dhacday galinkii hore ee Talaadadii.

Mudaaharaadyadan cusub ee dawladda lagu diidan yahay ayaa billawday ka dib markii ay dawladdu go’aamisay Jimcihii in hogaamiyaha mucaaradka Henrique Capriles uusan hogaanka dalka u tartami karin muddo 15 sano ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300