Published On: Thu, Apr 13th, 2017

Madaxweyne Gaas oo baaq u diray shacabka Gaalkacyo

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay xaalada deganaansho ee hada ay ku jirto Magaalada Gaalkacyo oo horey ay uga dhaceen Dagaalo dad badan ku dhinteen, kuna barakaeen.

Dr. Gaas ayaa uga mahad naqay cid walba oo ka shaqaysay nabadaynta iyo xasilinta Magaalada Gaalkacayo, waxaana uu ugu baaqay shacabka Gobolka Mudug inay gacmaha is qabsadaan isla markaana ay ka wada shaqeeyaan wax kasta oo ay ku jirto maslaxadooda.

Waxa uu sheegay Magaalada in ay u baahan tahay nabad iyo hormar, isaga oo sheegay dadka in ay ka soo daaleen colaad iyo shido, cid xiiso u qabtana aysan jirin. C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa hadalkan sheegay xilli shalay uu dib ugu soo laabtay Degaanada Puntland, kadib safar uu mudo Todobaad ah ku aaday dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300