Published On: Thu, Apr 13th, 2017

Laanta socdaalka oo soo saartay habraaca cusub ee dal ku galka Somaliya

Laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa soo saartay habraaca cusub ee dalka galka Soomaaliya kaas oo isbeddel aan buurneyn lagu sameeyay.

Isbeddelkan kooban ee lagu sameeyay ma saameyn doono diblomaasiyiinta,shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo kuwa urur Goboleedyada.

Isbeddelka iyo habraaca cusub ee laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ay ku sameysay  waxaa uu dhaqan geli doonaa 1-da Bisha May ee soo socota.

Habraacan cusub waxaa uu saameynayaa kaliya dadka Ajannabiga ah ee imanaya ama soo galaya Soomaaliya,kaas oo lagu soo kordhiyay shuruuc cusub oo dhanka socdaalka ah.

Isbeddelkan cusub oo waxaa uu wax ka beddelayaa kaliya habraacii dadka Ajannabiga ah ay ku soo geli jireen Soomaaliya waxaana dhawaan lagu daabici doonaan Mareegta laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300