Published On: Thu, Apr 13th, 2017

Jeesoow: “AMISOM garoomada diyaaradaha iyo dekadaha uun bey noo ilaalin kartaa

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah XIldhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa si weyn u dhaliilay howsha AMISOM ee Soomaaliya.

Xildhibaan Jeesoow oo wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in riyo qaldan ay tahay in dalka Soomaaliyeed ay AMISOM ka saarto Al-shabaab.

Waxaa uu soo jeediyay in la xoojiyo tayada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku waas oo uu sheegay in ay ku filanyihiin Al-shabaab.

Mr Jeesow ayaa ku tilmaamay AMISOM qof indhaha ka xiran oo soco la yiri sida uu hadalka u dhigay waxaana uu xusay in AMISOM aysan kala aqoonin dalka sidaas darteedna ay sax ahayn in laga sugo in ay Al-shabaab ka saarto Soomalaiya.

Xildhibaanka aya ku sheegay AMISOM kaalmaati oo kaliya,waxaana uu intaas raaciyay in kaliya AMISOM looga fadhiyo ilaalinta amniga goobaha muhiimka ah sida Garoomada diyaaradaha iyo Dekadaha dalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300