Published On: Thu, Apr 13th, 2017

Gudoomiye Taabit oo Muqdisho ku soo wajahan

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, ayaa lagu wadaa maanta inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaliya

Taabit ayaa ka soo ambabaxaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo maalmihii dambe uu ku sugnaa, kadib markii uu ka soo qalab qaatay dalka Mareykanka oo uu soo gaba gabeeyay hawlihii uu ka haayay.

Diyaargarow ballaaran ayaa loogu jiraa soo dhaweynta Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, iyadoo shaqsiyaad kala duwan oo doonaya inay waji ka sameystaan Duqa cusub ee Muqdisho ay xusul duub ugu jiraan soo dhaweynta Gudoomiyaha cusub.

Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wada abaabul xoogan oo ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa Gudoomiyaha cusub, maadaama kii hore xilka laga qaaday.

Taabit oo nin dhalinyaro ah ayaa ka mid ah xerta Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna helay xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, maadaama Muqdisho ay tahay illaha dhaqaalaha dowladda, qofka loo dhiibaayo xilkaasina uu noqdo qof ka agdhaw Madaxweynaha.

Garoonka Aadan Cadde ayaa iminkaba laga dareemayaa soo dhaweynta Duqa Muqdisho, waxaana abaabulka ugu xoogan wada Afhayeenka Gobolka Banaadir oo hankiisa uu yahay sida la sheegay inuu helo Gudoomiye Degmo.

Duqa Muqdisho ayaa marka uu si toos ah ula wareego xilka waxa uu qorsheynayaa inuu isbedel ballaaran ku sameeyo Gudoomiyeyaasha Degmooyinka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300