Published On: Thu, Apr 13th, 2017

Dowladda Somaliya oo sheegtay in ay ka hortageyso afkaarta Al-saaddicuun bil xaq

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay shacabka Soomaaliyeed ka dalbatay in ay ka caawiyaan sidii looga hortagi lahaa afkaarta Urur Diimeedka cusub ee Al-saaddicuuna bil xaq la baxay ee looga dhawaaqay meelo ka mid ah Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixineyso ka hortagidda kooxdan si aysan fikirkeeda ugu baahin shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay Injineer Yariisoow in afkaarta Kooxdan Al-saaddicuuna bil xaq ay tahay mid qatar ah islamarkaana loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladda ka gacan siiyaan sidii loo baajin lahaa fidinta fikirka Al-saaddicuun bil xaq.

Kooxdan waxaa Todobaadkii hore looga dhawaaqay dalka Masar,Soomaaliya,Kuwait iyo Liibiya waxaana ay rumeysanyihiin in dadka Islaamka ah ay yihiin gaalo loona baahanyahay in ay dib ugu laabtaan Islaamka sida ay qabaan.

Maamulka Somaliland ayaa saddex ka mid ah hoggaamiyayaasha Kooxdan dhawaan ku xiray hargeysa kaddib markii xilli Habeen ah loogu galay Guryaha ay ka degganaayeen Magaalada Hargeysa.

Wasiirka War-faafinta ayaa boggiisa Facebuugga soo dhigay baaqa shacabka Soomaaliyeed uu kaga dalbanayo in ay dowladda ka caawiyaan hakinta fikirka Kooxdan cusub.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300