Published On: Thu, Apr 13th, 2017

Dowladda Federaalka oo Muqdisho ugu yeertay Madaxda maamul goboleedyada

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Muqdisho isugu yeertay Madaxda maamul goboleedyada dalka, iyadoo lagu wado in maanta ay soo gaari doonaan qaar ka mid ah Madaxweynayaasha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxda shanta maamul goboleed, kulankan ayaa ah mid wada tashi ah.

Wararka ayaa sheegaya in kulamadan looga hadlayo arrimaha shirka London iyo sidii dowladda Federaalka u hoggaamin laheyd shirkaas.

Ilo dhinaca diblomaasiyada ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inuu dhaco jiro is bar-bar yaac madaxda qaarkood ee ka qeyb galka shirka London.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in shirka uu noqdo mid guud oo masiirka dalka looga hadlo, isla markaana dowladda Federaalka ay hoggaamiso, ayna ula tagaan hal ajande oo mid ah.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa lagu wadaa inay shir guddoomiyaan shirka London ee dhici doona bisha soo socota May.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu casuumay shirka, iyadoo qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada ay Muqdisho kula kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain oo bishii hore booqasho ku yimid

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300