Published On: Thu, Apr 13th, 2017

Daawo Sawirrada shaqaalaha Hindida ah ee laga soo furtay Burcad Badeedda

Maamulka Galmudug ayaa soo bandhigay sawirrada Badmaaxiin u dhashay Dalka Hindiya oo shalay laga soo badbaadiyay burcad Badeedda Soomaalida ah kuna heystay degaan u dhow degaanka Ceel Huur ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in Shaqalaaha Hindida ah ay dowladdooda ku wareejin doonaan maalamaha soo aaddan islamarkaana ay sidoo kale Maxkamadeyn doonaan Burcad Badedda shaqaalahaas afduubatay.

Waxaa uu sheegay in Afar ka mid ah Burcad badeeddii heystay shaqaalaha u dhashay Hindiya gacanta lagu hayo kuwaas oo uun sheegay in sharciga la marsiinayo oo lagu maxkamadeynayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Dowladda Hindiya ayaa dowladda SOomaaliya,Maamulka Galmudug iyo shacabka Soomaaliyeed ugu mahadcelisay badbaadinta muwaaddiniinta u dhashay Hindiya. 

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300