Published On: Thu, Apr 13th, 2017

Ahlusunna Waljamaaca oo shuruud adag ku xirtay Wadahadallada ay la galeyso Galmudug

Xildhibaan Bile Salaad Diini oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Ahlusunna Waljamaaca uu shuruud uga dhigay Wadahadalka ay la galayaan Galmudug Lacag fara badan oo ay sheegeen in ay uga baxday Dagaalkooda ka dhanka ah Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Bile Salaad Diini in Ahlusunna Waljamaaca sheegeen in lacag dhan 5 Million  Dollar ay ku qarash gareeyeen Dagaalkii Gobolka Galgaduud ay kula galeen Al Shabaab taas oo ay uga fadhiyaan Dowladda  Federaalka Soomaaliya inta aanu wadahadalka u dhexeeya iyaga iyo Galmudug furmin.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa Dhexdhexaadineysa Maamullada Ahlusunna Waljamaaca iyo Galmudug , kuwaas oo lagu wado in uu uga furmo Wadahadalkooda  Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay si isdaba joog ah u soo gaarayeen Magaalada Muqdisho , walow weli  la sugayo Ergada Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300