Published On: Thu, Apr 13th, 2017

147 ruux oo lagu dilay Muqdisho labadii bil ee la soo dhaafay

Sida ku cad warbixinta aan ururinay labadii bil ee ugu dambeysay waxaa dalka si sharci darro ah loogu dilay in ka badan 306 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafay 157 qof

Magaalada Muqdisho waxaa ay ka dhacay dilalkii ugu badnaa, in ka badan 147 qof ayaa lagu dilay gobolka Banaadir labadii bil ee la soo dhaafay halka lagu dhaawacay in ka badan 131 qof.

Dadka Muqdisho lagu dilay waxaa ku jiray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah, kuwaas oo lagu dilay qaraxyo iyo toogasho toos ah, in ka badan 43 ayaa ka dhintay ciidanka halka 72 kale ka dhaawacmeen.

Waxaa sidoo kale Muqdisho ka dhacay dilal loo geystay ergo iyo odoyaal ka qeyb-galay doorashadii dalka ka dhacday, 10 ergo ah ayaa la dilay halkan qof ergo ahna la dhaawacay.

February 8-eeda illaa dhammaan bishaas waxaa qarax ku dhintay 44 qof halka toos loo toogtay 22 qof, dadka qaraxyada ku dhaawacmay waa 64 qof halka toogasho toos ah lagu dhaawacay 9 qof.

Bishii March waxaa qaran ku dhintay in ka badan 22 qof, waxaa sidoo kale dagaallo iyo toogasho ku dhintay 125 qof, Dhaawaca qaraxyada waxaa uu gaaray 52 qof, dadka toogashada lagu dhaawacay waa 7 qof.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300