Published On: Wed, Apr 12th, 2017

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo gaaray Ruushka

Rex Tillerson, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii gaaray Magaalada Moscow ee Xarunta Wadanka Ruushka.

Xoghayaha, ayaa maanta Magaalada Moscow kulan kula leh dhigiisa Ruushka, waxaana lagu wadaa in uu kala hadlo xiisadda sii kordheysa ee ka aloosan dalka Suuriya.

Dhinacyadan, ayaa markii hore qorsheynayay in kulankoodan kaga hadlaan wadada ugu macquulsan ee Mareykanka iyo Ruushka uga wada shaqayn karaan xal u helidda dagaalada Suuriya.

Hase ahaatee tani, ayaa meesha ka baxday markii Mareykanka uu toddobaadkan duqayn kaga jawaabay weerar kiimiko ah, oo Dowladda Suuriya lagu eedeeyay in ay u adeegsatay mucaaradka.

Rex Tillerson, ayaa la fillayaa in Xukuumadda Moscow uu ku cadaadiyo in Suuriya burburiso haraadiga hubkeeda kiimikada iyo in Moscow joojiso taageerada ay siiso Madaxweyne Bashar al-Assad.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa horey uga horyimid eedaynta ku aadan in Madaxweyne Azzad uu hubka kiimikada u adeegsaday deegaanada ay maamulan kooxaha mucaaradka, isagoona falkaasi ku eedeeyay mucaaradka.

    

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300