Published On: Wed, Apr 12th, 2017

Madaxda dowlad goboleedyada oo imanaya Muqdisho,sababta?

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa la filayaa in todobaadka dambe ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho kaddib markii ay dowladda Federaalka ah isugu yeertay.

Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland,Galmudug,Hirshabeelle,Koofur Galbeed iyo jubbaland ayaa la filayaa in todobaadka soo socda ay  Muqdisho ku yeeshaan kulan gaar ah oo ay xoogga ku saari doonaan arrimaha uu dalka marayo iyo shirarka Caalamiga ah.

Shirkan waxaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaan shirka Magaalada London ee Bisha soo socota ka dhici doona halkaas,kaas oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya.

Shirkaas waxaa la filayaa in ay ka qeyb galaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya,waxaana la filayaa in ay lacago badan ku yaboohaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka Dolwad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah ayaa la sheegayaa in la iskula meel dhigayo Ajende mideysan oo Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada ay la tagaan Shirkaas iyada oo aan la kala socon.

Shirkaas waxyaabaha looga hadli doono waxaa ka mid ah taageerada Soomaaliya sida amniga,dhaqaalaha,ka hortagga abaaraha iyo sameysashada lacagta cusub ee Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300