Published On: Wed, Apr 12th, 2017

Jaamacadda Carabta oo ka hadashay dagaalkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si kulul uga hadlay Falalka Amnid daradda ah ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ahmed Abul-Gheit Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay tahay wax laga Argagaxo Qaraxyadii Muqdisho ka dhacayay Maalmihii lasoo dhaafay.

Xoghayaha ayaa Marka Hore tacsi u diray dadkii ay Waxyeelo kasoo gaartay Qaraxii lala eegtay taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ahmed Abul-Gheit ayaa sidoo kale tilmaamay in ay taageersan yihiin dagaalkii uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in ay ka shaqeyn doonaan sidii looga dhabeyn lahaa dagaalka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo.

Ururka Jaamacadda  Carabta ayaa ugu dambeyntii Sheegay in Howlgalkaasi ay ka qeyb qaadan doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab, waxaana uu sheegay in dalku uu galay Xaalad dagaal.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300