Published On: Wed, Apr 12th, 2017

Gaadiid badan oo Degmada Afgooye ku xaniban

Tiro gaadiid ah ayaa ku xaniban Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana laga doonayaa lacago aanan sharci aheyn oo ciidanka Birmadka Booliska ay ka qaadaan gaadiidka.

Gaadiidkaan ku xaniban Degmada Afgooye ayaa tiradooda waxa ay kor u dhaafeysaa 20 Baabuur oo nooca xamuulka qaado ah, kuwaasi oo loo yaqaan Inatareeyada.

Gaadiidleyda ku xayiran Afgooye muddada todobaadka ah waxa ay sheegayaan in Koontaroolka Afgooye gaarigiiba looga rabo lacag dhan 9,800,000 (Sagaal Milyan iyo SideedBoqol oo kun) oo Shilin Somali ah,halka marka ay gudaha Magaalada galaanna laga rabo lacag dhan 30-Milyan oo Shilin Somali ah.

Gaadiidleeydan ayaa waxa ay sheegeen inaysan awoodin qarashkaan faraha badan ee ciidanka Birmadka Booliska ay ka doonayaan inay ka qaataan.

Isbaarada taal Koontaroolka Baar Ismaaciil, gaadiid lacago fara badan ayaa looga qaadaa, waxaa sii dheer mid kale oo taal halka loo yaqaaan 5-ta deegaanka Lafoole, halkaasi oo iyana lacago badan gaadiidka looga, iyadoo marka ay soo galaan gaadiidka Muqdisho Ex-Control looga qaado lacago kale.

Sida ay sheegayaan gaadiidleydan haddii xaaladda sidan ay ku sii socoto oo aanan waxba laga qaban lacagahan faraha badan ee gaadiidka laga qaado inay sameyn doonaan shaqo joojin.

Dowladda cusub ee Somaliya isbedelkii laga filaayay waxa uu u muuqda inuu meesha ka baxay, maadaama rajadii shacabka ay ka qabeen dowlad isbedel keenta ay sii yaraanayso.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300