Published On: Wed, Apr 12th, 2017

Farmaajo: “farsamadii aan 2011kii Al-shabaab Muqdisho uga saarnay ayaa adeegsaneynaa

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo la hadlayay Ciidanka Xoogga dalka oo manta u dabaal degaya aas aaska 57aad ayaa sheegay in muddo kooban ay Al-shabaab dowladda uga saari doonto dhulka ay ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in si loo soo celiyo amniga  uu todobaadkii hore isbeddel ugu sameeyay madaxda Ciidanka Soomaaliya islamarkaana uu hadda doonayo in isbeddelkii ay dowladdiisu ballan qaadday ka arkaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay in farsamadii 2011kii ay Al-shabaab ay uga saareen Muqdisho ay hadda diyaar tahay oo ay mar kale adeegsan doonaan.

Waxaa uu shaaciyay in taas ay ugu horreysay isbeddelka Madaxda Ciidanka sidoo kalena ay ku xigi doonto bixinta mushaaraadka Ciidanka iyo qorshaha lagu nabadeynayo dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhanka kale sheegay in dowladdiisa ay ka go’antahay in ay dhisto Ciidamada Cirka,dhulka iyo Badda si ay u ilaaliyaan xuduudaha Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300