Published On: Wed, Apr 12th, 2017

Diyaarado Dagaal oo Duqeyn Ka fuliyay gobolka J/hoose

Wararka ka imaanaya gobolka J/hoose ee Koofurta Soomaaliya ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaan ku dhaw Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday deegaanka Kaanjaroon oo qiyaastii 60km Koofur ka xiga Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho in duqeyntu ay aheyd mid xoogan, isla markaana dhawr gantaal lagu dhuftay deegaanka.

Lama Oga qasaaraha duqeyntaan ka soo gaaray dagaalamayaasha Al Shabaab oo fariisimo ku leh deegaanka Kaanjaroon, hase ahaatee dadka deegaanku waxa ay sheegeen in duqeynta ay wax yeelo badan u geysatay xoolo dad reer miyi ah ay lahaayeen oo ku sugnaa deegaanka.

Lama oga wadanka laga lee yahay iyo cida ay ka Amar qaataan diyaaradaha duqeyntan fuliyay, laakiin waxaa inta badan deeganada Jubooyinka duqeymo ka fuliya diyaaradaha dagaalka Kenya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan duqeyntan ka dhacay deegaanka Kaanjaroon oo ay gacanta ku hayaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300