Published On: Wed, Apr 12th, 2017

Ciidanka Badda Shiinaha oo sheegay in ay qabteen hoggaamiye ka tirsan Burcad badeedda

Sida ay xaqiijinayaan Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Shiinaha Ciidamada badda ee dowladda Shiinaha ayaa ku guuleystay in ay qabtaan hogaamiye ka tirsan Kooxaha Burcadbadeeda.

Hogaamiyaha Burcadbadeeda ee ay qabteen Ciidamada Badda ee Shiinaha ayaa waxaa uu ka mid ahaa Saddex ka tirsan burcad badeedda Soomaali ah oo weerar ku qaaday Markab laga leeyahay jasiiradda Tuvalu.

Weerarkooda ayaa Fashilmay ka dib markii  ay Xoog kusoo furteen Ciidamada Badda dowladaha Shiinaha iyo sidoo kale Hindiya.

Kooxihii Burcadcad ayaa la sheegay in ay baxsadeen , laakiin Saddex ka mid ah ayaa wali la’layahay.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in saddexda burcad badeedda ah ee la la’yahay uu ku jiro Cabdikariim Saalax oo lagu magacaabo Aw Koombe oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha burcad badeedda Soomaaliya.

Warbaahinta Caalamiga ah oo soo xiganaya qaar ka mid ah Ciidamada Badda ee Shiinaha ayaa sheegay in ay aamin san yihiin in ay gacanta ku hayaan Ciidamadda Cabdikariim Saalax.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay waxaana hadda gacantooda ku jira doomo Ganacsi.

Sanadkaan Gudihiisa ayaa waxa ay geysteen Afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah Afduubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee degmada Calluula ee gobolka Bari.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300