Published On: Wed, Apr 12th, 2017

Al-shabaab oo sheegtay in weerarradii Muqdisho ay jawaab u yihiin go’aannadii Trump iyo Farmaajo.

Warbixin ay Al-shabaab ka soo saareen weerarrada maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay  Muqdisho ayey ku sheegeen in ay jawaab u ahayd hadallo dhawaan ka soo baxay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Hay’ad la socota xaalada Kooxaha Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira dowladaha SITE Intelligence Group  soo saareen ayaa sheegtay in Al-shabaab ay warbaahintooda ku sheegeen in weerarrada kordhay ay jawaab cad u yihiin ballan qaadkii Donald Trump ee ahaa kordhinta weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab iyo baaqii madaxweyne Farmaajo oo isna ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan shaacisay in Milatariga Mareykanka ee Afrika loo fasaxay in ay weerarro dheeraad ah ka fulin karaan Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Al-shabaab.

Qaramada Midoobey ayaa warbixin ay manta oo Arbaco ah soo saartay ku sheegtay in Sanadkan 2017ka Muqdisho lagu dilay 337 Qof,taas oo ka dhigan in weerarrada AL-shabab ee Muqdisho ay sare u kaceen 50%.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300