Published On: Tue, Apr 11th, 2017

Xildhibaan Jeesow “Qaraxyada Muqdisho dagaalkii Madaxweynaha ayeey jawaab u yihiin”

Kadib markii Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu 6-dii Bishan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab in dowladiisa ay bilaabeyso, ayaa Xildhibaanada qaar ee Baarlamaanka ku jira waxa ay sheegeen qaraxyada iyo dilalka Muqdisho ka dhacay hadalkii Madaxweynaha inuu jawaab u yahay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay Taliyeyaasha ciidanka oo la bedelay, islamarkaana marxalad isbedel ah dalka uu galaayay Madaxweynaha uu isaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Wuxuu sheegay hadalkaasi ku dhawaaqista dagaalka ka dhanka ah Shabaab inuu ahaa mid uu aad ugu fududaaday Madaxweynaha, maadaama Saraakiisha ciidamada qalabka sida weli aysan la qabsan shaqada Qaranka.

“Aniga waxaan qabaa ku dhawaaqistii Madaxweynaha ee uu ku dhawaaqay dagaalka, iyadoo weliba ciidamadii Saraakiishooda la kala bedelay oo kuwa cusub ay yimaadeen, kuwa cusubna ay rabaan inay qaybihii iyo guutooyinkii kale ee ciidanka uu lahaa inay bedelaan Saraakiishooda oo weli aysan is diyaarin in dagaal lagu dhawaaqo qalad ayeey aheyd.” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Xildhibaanka ayaa intaasi wuxuu ku daray “Aniga waxaan dareemaayaa fududeed aad u badan wax weyn ma soo kordhinayso dal dagaal ku jira in dagaal la iclaamiyo.”

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo Shabaabka waxa ay sii laba jibaareen qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho, iyadoo taasi walaac xoogan ay ku abuurtay Bulshada ku nool Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka dowladda ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabtaan ammaanka Magaalada Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300