Published On: Tue, Apr 11th, 2017

Xildh. Dhalxa: “dowladda dagaalka Al-shabaab sida arooskii ayey u digtay

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu Dowladda Federaalka ah ku eedeeyay in ay ku khaldaneyd in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ay shaaciso.

Xildhibaan Dhalxa ayaa waxaa uu dowladda ku eedeeyay in iyada oo aan dagaal u diyaarsaneyn ay iclaamisay dagaal ay la galeyso Al-shabaab taas oo uu sheegay in Al-shabaab ay fursad u arkeen.

Waxaa uu sheegay in dowladda sida arooskii oo kale ay u digtay Al-shabaab iyada oo aan is diyaarin,taasna ay ka faa’ideysteen Al-shabaab iyaga oo arkaya fursado ka banaan dowladda ku dhawaaqday in ay dagaal ku qaadeyso.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilkii mar qura ka wada qaaday afarta Taliye ee Ciidanka xoogga dalka,waxaana uu sidoo kale dalka galiyay xaalad dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.

Axaddii waxaa isku day dil ka badbaaday Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya kaddib markii uu xilka la wareegay waxaan weerarkaas ku dhintay dad ka badan 17 Qof oo shacab ah.

Sidoo kale waxaa isna shalay uu Qof isa soo miidaamiyay ku dhex qarxay Warshaddii hore ee Nacnaca,halkaas oo ah xero ay hadda ku tababartaan Ciidanka dowladda Soomaaliya,waxaa halkaas ku dhintay saraakiil ka mid ahaa ciidanka SOomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300