Published On: Tue, Apr 11th, 2017

Wasiirka amniga oo Saraakiisha ciidanka ugu hanjabay isla xisaabtan adag

Wasiirka wasaaradda amniga ee Xukuumadda Somaliya Maxamed Abukar Islow ayaa sheegay in lala xisaabtami doono Saraakiisha ciidamada Booliska iyo guud ahaan kuwa ciidamada qalabka sida.

Waxa uu sheegay wasiirka in habeen iyo maalin uu kormeer ku hayn doono saldhigyada ciidamada Booliska, isaga oo sheegay in markaan la doonayo in shacabka la tuso in Booliska uu iyaga u shaqeynayo.

Wasiir Islow ayaa dhanka kale ka codsaday ciidamada in ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka Somaliyed marka hawlgallada ay socdaan iyo sidoo kale marka askarta la istaajiyo waddooyinka.

“Ogaada taliye, taliye ku xigeenno waa la isla xisaabtami doonaa, ma jiifan doonno, inaan jiifanno yaan nalaga sugin, saldhigyada tagi doonna, goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ayaan tageynaa, goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ayaan tagi donnaa waana la is arki doonaa, waxaan ka codsaneynaa in ciidamada ay shacabka u turaan, marka jidadka la istaajiyo inaan lacag la weydiisan, wax xun lagula dhaqmin ayaa la rabaa oo shacabka Booliiska usoo cararaan, markaan ay shacabka arkaan in booliiska uu ka shaqeynayo danaha shacabka” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka amniga Xukuumadda Somaliya ayaa shaqada Wasaaradda wuxuu ku hayaa mid dar dar leh, maadaama dhawaan uu shaqadii ka fariisiyay Taliyihii Saldhiga Degmada Xamar weyne, xilli Wasiirka uu kormeer ku tagay Saldhiga.

Isbedel kala duwan ayaa ku socda Hay’adaha ammaanka dowladda Federalka Somaliya si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee dalka oo falal lidi ku ah dhanka ammaanka ay ka dhacayeen maalmahan dambe.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300