Published On: Tue, Apr 11th, 2017

Maxey ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & madaxda Imaaraadka?

Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusugan dalka Iskutaga Imaaraatka Carabta, isagoo la kulmay madaxda dalkaas oo ay ka wada hadleen arrimo xasaasi ah.

Kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya horumarintooda, cilaaqaadka labada dal iyo qorshe kasta oo ku aadan dibu kabashada dalka ayay dhinacyadu ka wada hadleen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u gudbiyey dawladda Imaaraatka Carabta taageerada ay u baahan tahay dawladda Dhexe ee Soomaaliya, si gaar ahna dhanka dhaqaalaha, Dibu dhiska ciidamada iyo qorshaha sugida amniga ayaa ugu horeeyey arrimaha ay codsatay dawladda Faderaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay in Soomaalida ay uga mahadcelinayaan Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta taageeradeeda joogtada ah ee deganaanshaha Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay mudnaan iyo tixgelin siinayaan aragtida wanaagsan ee Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta.

Waxaana uu carabka ku adkeeyay  tixgelinta uu u hayo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo hoggaankeeda taageerada xiriirka ah ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa , isaga oo sare yeelay kaalinta wax ku oolka ah iyo midda kalgaceylnimo ee Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu u haayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ay sii wadi doonto taageeridda walaalaha Soomaaliya, ayna ka caawin doonto dib u dhiska hey’adaha qaran si loo taageero amniga , deganaanshaha iyo horumarka, isaga oo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed barwaaqo, horumar iyo inuu ku rumoobo hiigsiga iyo yididiilada ay qabaan iskaashi, is taageerid iyo danaha qaranka oo la sarreysiiyo.

Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu tilmaamay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ballan-qaadeyso sii socoshada xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya shacabka Soomaaliyeed, waxa kale oo yiri “Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waxa ay is garabtaagi doontaa, taageeri doontaa dadaalka Madaxweyne Farmaajo ee hiigsanaya amniga, deganaanshaha iyo horumarka, waxa ayna ahaan doontaa mid taageerta dadaalkaasi”.

Intii kulanka uu socday ayaa waxaa kale oo looga wada hadlay horumarada iyo xaaladaha gobolka iyo dunida ka taagan iyo arrimaha kale ee qiimaha u leh in la wadaago.

Kulankani ayaa waxaa ka qeyb galay dhanka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Dr. Anwar bin Mohammed Gargash Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Ali bin Hammad Al Shamsi kuxigeenka Xoghayaha guud ee Golaha sare ee amniga qaranka iyo Mohammed Mubarak  Al Mazrouei Agaasimaha diiwaanka Dhaxalsugaha Abu Dhabi.

Waxaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeybgalay kulankaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda Amb. Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Macallin Nuur Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Cali Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha iyo tiro kale oo mas’uuliyiin ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300