Published On: Tue, Apr 11th, 2017

Maamulka gobolka Mudug oo Digniin u diray Burcad Isbaarooyin Dhigtay Gobolkaasi

Gudoomiya ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Cabdi Xuseen Maxamad  oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in gobolka Mudug ay kusoo bateen jidgooyoyin hor leh oo la soo dhigay gobolkaas.

Cabdi Xuseen ayaa xusay in Isbaaroyinkan horey looga qaaday qeybo badan o ka tirsan gobolka Mudug, balse haatan dib loo soo celiyay.

Waxa uu gudoomiye kuxigeenka gobolka Mudug carabka ku adkeeyay in ay ka war qabaan goobo hor leh oo lasoo dhigay Jidgooyoyinka sharcidarada ah, isla markaaana  talaabo ay ka qaadi donaan.

Dhinaca kale gudoomiya kuxigenka gobolka Mudug ee dhinaca mamaulka Galmudug  ayaa hoosta ka xariiqay inaan la aqbali doonin in xeebaha magalada Hobyo lagu la soo dhuunto maraakiib iyo doonyo laga soo qafaashay badaha caalamka, arintaasina ay go’aano adag kasoo saareen.

Degaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxaa ka jira cabashooyin ku aadan in kooxo burcad ah ay soo dhoobeen isbaaroyin hor leh, iyadoo ay sii dheertahay in burcad badeed maraakiib soo afduubtay ay ku sugan yihiin xeebaha gobolkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300