Published On: Tue, Apr 11th, 2017

Kenya oo sheegtay in 15 ka mid ah Al-shabaab ku dishay Gedo

Ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM kuna sugan Gobolka Gedo ee SOomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 15 xubnood oo ka mid ah xarakada Al-shabaab kaddib markii uu dagaal ku dhexmaray halkaas.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Kenya ee KDF oo lagu magacaabo Joseph Owuoth,ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen in weerar gaadmo ah ay ku laayaan kolonyo ka mid ah Ciidanka Kenya oo marayay agagaarka Tuulada Katamaa oo 104 KM u jirta sohdinta Kenya kana tirsan Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Ciidankooda ay heleen xog ku saabsan in Rag ka tirsan Al-shabaab ay waddada ku jiraan islamarkaana doonayaan in ay weerar gaadmo ah ku ekeeyaan Ciidanka Kenya.

Waxaase uu sheegay in ay ka hortageen weerarkaas oo uu sheegay in Al-shabaab ay kaga adkaadeen kuan dileen 15 tiro kalena ku dhaawaceens dia uu hadalka u dhigay.

Joseph Owuoth;waxaa uu sheegay in kaddib weerarradii Al-shabaab ee saldhigyada Ciidanka Kenya ka joogaan Soomaaliya ay kenya sare u qaadday feejignaanta ka dhanka ah Al-shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300