Published On: Tue, Apr 11th, 2017

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka oo Heshiis Muhiim ah gaaray

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaalia Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay isla Qireen in Midnimada iyo Madax Banaanida Soomaaliya ay tahay Muqadas islamarkaana aan lagu Xadgudbi karin.

“Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada iyo burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga iyo socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.

Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxay isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan  ayna muhiim u yihiin amniga iyo iskaashiga labada dhinac”sidaas waxaa Bartiisa Blog-ga ku daabacay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad asagoo ku sugan Imaaraadka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300