Published On: Tue, Apr 11th, 2017

Ciidamadii Itoobiya ee Ku Sugnaa Galgaduud oo Dalkooda dib ugu laabtay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in ciidamadii Itoobiya ee isaga baxay gobolkaasi ay maanta galinkii danbe ay ka talaabeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ay wadaagaan.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay in Gaadiid dagaal oo fara badan oo ay wateen ciidanka Itoobiya ay ka dubeen Xadaka, isla markaana ay dib ugu laabteen dalkooda.

Ciidamadan ayaa ka soo baxay Magaalada Ceelbuur ee Bariga gobolka Galgaduud iyo deegaano ku xeeran, halkaasi oo ay ku sugnaayeen sadaxdii sano ee la soo dhaafay.

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ayaa dhawaan sheegay in ciidamada ka soo baxay Ceelbuur aysan kamid aheyn howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Mudo 8 cesha ah ayaa laga joogaa markii ciidanka Itoobiya ay soo faarujiyeen Ceelbuur, waxana hada Magaaladaasi ka arimiya Xarakada Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300