Published On: Tue, Apr 11th, 2017

Ciidamada Galmudug oo xoog ku soo furtay Doonyo Burcad badeeda haysteen


Ciidamadan ayaa ku guulaystay in si awood ah ku soo furtaan doonyaha ay haysteen burcad badeedda, waxnaana saraakiisha ciidamada Galmudug xaqiijiyeen in sidoo kale ay soo furteen qaar ka mid ah shaqaalihii saarnaa, qaarkoodna ay la baxsadeen burcadda.C/naasir Diirshe Xalane, Taliyaha hawlgallada ciidamada Galmudug ayaa xaqiijiyay in ciidamada Galmudug ay ku guuleysteen weerarkii ay ku qaadeen kooxaha burcad badeedda ee ku sugnaa xeebaha u dhaw deegaanka Ceelhuur ee Gobolka Mudug.

“Waxaa lagu guuleystay inaan soo furano Labo doonyo oo mid ganacsi ay tahay, shaqaalihii qaar waxaa la baxsaday Burcad badeedda, waana lagu raad joogaa, waxaan rajeyneynaa inaan soo qabanno, hawlgalka wuxuu ahaa mid abaabul ah oo dhanka dhulka ah, laguna go’doomiyay burcad badeedda, qorshuhu wuu soconayaa illaa xalka ugu dambeeya la gaaro.” ayuu yiri Xalane.

Burcad badeedda Somalida ayaa todobaadkii tagay waxay Labo doon ku qafaasheen xeebaha Gobolka Mudug, hase ahaatee ugu dambeyn doonyahaasi waxaa qabtay ciidamada Puntland

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300