Published On: Tue, Apr 11th, 2017

3; ka mid ah madaxda Kooxda Al-Saaddicuun oo lagu xiray Hargeysa

Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay saddex ka mid ah Kooxda Al-Saaddicuuna bil xaq ee dhawaan looga dhawaaqay dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Taliya Ciidanka Booliska Somaliland Cabdullahi Fadal Iimaan ayaa u sheegay Warbaahinta in Warqad amar ah oo ka soo baxday Maxkamadda maamulka Somaliland ay ku soo xireen hoggaamiyayaasha kooxdan qeybta kaga dhawaaqday Hargeysa.

Kooxdan ayaa Todobaadkii hore looga dhawaaqay Dalalka Masar,Soomaaliya,Kuweyd iyo Liibiya,waxaana ay sheegeen in Dadka Muslimiinta ee hadda jira loo baahanyahay in ay dib u Islaamaan.

Culimada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdishana waxaa ay ku baaqeen kana digeen in kooxdan lagu kadsoomo iyaga oo xusay in ay yihiin qeyb ka mid ah Firqada Takfiirka oo meelo badan oo Caalamka ah ka jirta.

Culimada waxaa ay sheegeen in Kooxdan ay ka aas aasantay Xabsiyada dalka Masar sanadihii lixdameeyadii kaddibna ay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya soo galeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300