Published On: Mon, Apr 10th, 2017

Xil: Zakariye: Imaaraadka Carabta Waxa ay ku howlan yihiin Dib u dhiska Dalka

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa soo dhaweeyey Mashaariicda Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka fulineyso Gudaha Soomaaliya.

Mr. Zakariye ayaa sheegay  in Soomaaliya ay u baahan tahay dib u dhis xoogan, isagoo Carabka ku dhuftay in Dowladihii dalka soo maray dib u dhiska Dalka  ay kala kaashan jireen Dowlado kale, Wuxuuna intaa ku daray in Xiligan loo Baahan Yahay ka Faa’iideysiga Mashaariicda Imaaraadaka uu ka Fulinayo Deegaanada Maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.

Isagoona hadalkiisa sii wata Xildhibaanka ayuu ku Nuux-Nuuxsaday in Dowladda Imaaradaka Carabka ay Wado Qorshe dib u dhis ay ku sameyneyso Dekadda Magaalada Boosaaso, Isagaoo Meesha Ka Saaray eedeyn ay Jeedinayeen Siyaasiinta Puntland oo ku Aadan in dano gaar ah Imaaradka uu ka leeyahay dhismaha Dekadda Magaalada Boosaaso.

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo la sii hadlayey Shabelle ayaa sidoo Ka hadlay warar soo baxayay oo ku aadanaa in Saldhig Malateri Imaaraadka uu ka sameysanayo Dekadda Mgaaalada Boosaaso, waxana been Abuur ku tilmaamay Arintaasi, isagoona tilmamay in dowlada Dhexe ee Soomaaliya ay la socoto Dhismaha Dekada Magaaalada Boosaaso, si Wadajirna ay Ugu Faa’iideysan doonaan Musharuucaasi dowlada dhexe iyo Maamulka Puntland.

Si Kastaba Dowlada Imaaradaka ayaa Door Weyn Ka Ciyaareysa  Dhismaha Dalka iyadooana Horay Imaaradaka Loogu Amaanay Tababarka ay Siiyeen Ciidanaka Xoogga Dalka Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300