Published On: Mon, Apr 10th, 2017

Wararkii ugu dambeeyay Saraakiil ku geeriyootay Ismiidaaminta ka dhacday Warshadii Nacnaca

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qarax uu fuliyay ruux xirnaa Jaakad ka sameysan waxyaabaha qarxa, kaasi oo soo xirtay tuutaha ciidamada Militariga Somaliya, kadibna isku qarxiyay Saraakiil iyo ciidan joogay Warshadii hore ee Nacnaca, balse hadda loo yaqaan Xerada ciidanka General Dhagabadan.

Waxaa la xaqiijiyay laba Sarkaal oo ka tirsan ciidamada Militariga inay ku geeriyoodeen qaraxaasi kuwaasi oo kala ah Abuukar Dheere iyo Korneyl Macallin C/Xakiin.

Waxaa kale oo la xaqiijiyay askar gaaraysaa ilaa Afar askari inay ku geeriyoodeen qaraxaasi, waxaana tirada dhimashada ay gaaraysaa ilaa 6 ruux oo Saraakiil iyo Askar isugu jirta intaba.

Ninkaan waxyaabaha qarxa isku soo xiray ee ciidamada isku dhex qarxiyay ayaa la sheegay in ciidamada Militariga u imaan jiray, balse aanan ka tirsaneyn ciidamada Xooga dalka Somaliya.

Masuuliyadda qaraxaasi Ismiidaaminta ah ayaa waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab oo dowladda Somaliya dagaal kula jira.

War ka soo baxay Al-Shabaab waxa ay ku sheegteen in Qaraxaasi ay ku dileen 24 ruux oo Saraakiil tababarayaal iyo askar isugu jirta, balse ma jirto ilo rasmi ah oo xaqiijinaysa sheegashada Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho, wixii ka dambeeyay markii Madaxweynaha Somaliya uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300