Published On: Mon, Apr 10th, 2017

Turkiga” Waan garab taagan nahay Shacabka Soomaaliyeed”

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay si aad uga naxday Qaraxii Shalay ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Gaanshaandhiga Soomaaliya ,islamarkaana lala eegtay Kolonyo uu la socday taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibada ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in ay garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed , islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagu jiro Al-Shabaab.

“Qaraxii Shalay lala eegtay kolonyo uu la socday taliyaha Ciidamada waxaa uu ahaa mid lagu laayay dad Shacab ah oo aan waxba galabsan , waxaana diyaar u nahay inaan kaalmeyno Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Turkiga. Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay Qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay Meel u dhow Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300