Published On: Mon, Apr 10th, 2017

Qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir Qarax gaari lagu xiray ayaa ka dhacay nawaaxiga Isbitaalka Martiini ee Degmada Xamar weyne.

Nooca qaraxa ayaa wuxuu ahaa midka loo yaqaan dhajiska ee Baabuurta hoosta loogu xiro, kaasi oo ku sii badanaya Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa sheegay in qaraxaasi lala beegsaday shaqsi lagu magacaabo C/qaadir Cismaan Faarax (Dr. Yare) oo ka tirsan Shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada.

“Cabdulqaadir Cusmaan Faarax (Dr.Yare) kana mid shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ayey gaarigiisa miino ugu xireen waana dhaawac lugaha ayaaa ka go’ay cadowgaaas Ilaahey Umadiisa haka qabto.” Ayuu yiri Xalane.

C/qaadir oo dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, ayaa la xaqiijiyay ugu dambeyn inuu u geeriyooday dhaawicii cuslaa ee ka soo gaaray qaraxa gaarigiisa lagu xiray.

Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ah oo lala eegtay kolonyo la socotay Taliyaha Xooga dalka Somaliya, iyadoo qaraxaasi Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dadka rayidka ah.

Isla shalay Muqdisho waxaa ka dhacay qarax gaari NOHA ah lagu xiray, ruuxii watay kaliya ayaana ku dhaawacmay, wuxuu ka dhacay qaraxaasi Degmada Waaberi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300