Published On: Mon, Apr 10th, 2017

Nabad Sugidda iyo Ciidan uu tababaray Imaaraadka oo xalay ku dagaallamay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay 7 Qof ayaa ku dhaawacantay kaddib markii ay isku dhaceen Ciidamo ka wadatirsan Dowladda Soomaaliya hayeeshee kala talis duwan.

Xalay inta badan Degmada Hodon waxaa laga maqlayay rasaasta ay is weydaaranayeen labada ciidan ee Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Ciidan ay tababartay DOlwadda Imaaraadka oo ku sugan agagaarka Warshadda Caanaha degmada Hodon.

Isku dhaca ayaa ka dhashay kaddib markii Ciidanka NISA ay xireen saddex ka mid ah Askartaas oo lagu qabtay agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee Muqdisho,waxaana kaddib la sheegay in la jir dilay.

Intaas kaddib Ciidanka ay tababartay Imaaraadka ood eggan Xero Agoon ayaa waxaa ay ku baxeen Ciidankii kale ee NISA,waxaana ay weydiisteen in la siidaayo saddexda Askari ee laga xiray.

Ciidanka NISA ayaa diiday sii deynta waxaana halkaas ka billoowday rasaas xoog leh oo ay labada dhinac is dhaafsadeen.

Dadka dhaawacmay shan ka mid ah waa dhinacyadii uu dagaalka u dhaxeeyay halka labo Qofna la sheegay in rasaasta ay Guryahooda ugu tagtay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300