Published On: Mon, Apr 10th, 2017

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmaya Madaxda Imaaraadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wefdi uu hogaaminayo, ayaa xalay gaaray Magaalada Abu Dhabi ee Xarunta Wadanka Emirate-ka Carabta.

Madaxweynaha Somaliya iyo wefdigiisa oo gelinkii dambe ee Axadii ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa Garoonka Abu Dhabi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Emirate-ka Carabta.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa Magaalada Abu Dhabi kulan kula leh Dhaxal-suggaha Abu Dhabi ahna Taliye Kuxigeenka Ciidamada Qalabka Sida ee Emirate-ka Carabta.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa sheegay in labada dhinac ay kulankoodan kaga wada hadli doonaan xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Abu Dhabi u tagey arrimo la xiriira heshiisyada uu Emirate-ka Carabta la kala gaaray Somaliland iyo Puntland, kuna aadan Dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300