Published On: Mon, Apr 10th, 2017

Liyuu Boolis oo Ku dhawaad 10 ruux ku dishay Qalaafe

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan gaar ahaan xadka uu la wadaago Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, deegaanka Qalaafe ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu boolis ee ku dileen 9 kamid ah dhalin yarada deegaankaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamda Liyuu boolis ay diideen in la aaso dhalin yarada ay dileen, isla markaana ay waqti badan yaaleen bartamaha deegaanka Qalaafe.

Ciidamda ayaa sidoo kale canshuur badan dhul dhigay dadka ka safraya deegaankaas ee ku siijeeda deeganada kale ee xadka dhaca, sida Idaacadda shabelle ay u xaqiijisay Faadumo Xaashi oo kamid ah dadka deegaanka Qalaafe.

Dhanka kale mid kamid ah waxgaradka deegaankaas ayaa isna dhankiisa u sheegay Shabelle in ciidamada Liyuu boolis ay horay u ahaayeen Jabhada ONLF, balse Madaxweynaha Maamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Ileey uu ka dhicay Liyuu boolis.

Waxa uu intaa ku daray in tacadi ka dhan ah aadanaha ay kawadaan ciidanka Liyuu boolis deegaanka Qalaafe, isla markaana xabsiyada deegaankaasi ay buux dhaafiyeen dhalin yaro Soomaaliyeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300