Published On: Mon, Apr 10th, 2017

Lix ruux oo ku dhimatay isku dhacyo ka dhashay doorashada Kashmir

Lix ruux ayaa ku dhimatay kuwo kale oo badanna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray ka dib markii ay booliiska isku dhaceen dadka mudaaharaadayay intii ay socotay doorashada ku celiska ah ee ka dhacaysay qaybta ay Hindiya maamusho ee Kashmir.

Xoogagga sida milatariga u tababaran ayaa rasaas riday iyadoo dad diidan maamulka Hindiya ay ku soo xoomeen goobo codadka laga dhiibanayay oo u dhaw Srinagar.

Hogaamiyeyaasha qolyaha gooni ugoosadka raba ayaa ku baaqay in doorashada la qaadaco.

Gobolka Kashmir oo ay Muslimiintu aqlabiyad ka yihiin ayaa xudun u ah muran xad oo muddo tobannaan sano ah u dhaxeeyay Pakistan iyo Hindiya.

Hindiya ayaa Pakistan ku eedaysa in ay taageerayso qolyaha gooni u goosadka raba ee Kashmir, laakiin Islamabad way iska fogaysay eedaymahaas. Labada dalba waxay sheegtaan Kashmir oo dhan, waxayna kala maamulaan labo qaybood oo ka mid ah Kashmir.

Xiisadda gobolka ka taagan ayaa sare u kacday, degenaansho la’aanta ayaana ku sii korodhay tan iyo bishii Juulaay ee sanadkii hore, ka dib markii ay ciidammada Hindiya dileen Burhan Wani oo ahaa jabhad saamayn badan leh.

Kumannaan isugu soo baxday Kashmiir
Kashmiir oo laga mamnuucay in arooska qarash badan lagu bixiyo
Gantaal ku dhacay bas oo sagaal ruux dilay
Macallin jaamacad oo xabsi daa’in lagu xukumay
Laba askeri oo Hindiya looga dilay Kashmiir

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300