Published On: Mon, Apr 10th, 2017

Eng. Yarisow “Turkiga waa wallaal si kal iyo laab ah u taageera Somalia”

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Somalia H.E. Olgan Baker oo ay ka wada hadleen horumrinta warbaahinta dalka iyo sidii Wasaarada looga saacidi lahaa fulinta qorshaheeda sida hirgelinta Wacyigelinta Bulshada.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa marka hore uga mahadceliyey Safiirka doorka ay Turkiga ka cayaarto Soomaaliya oo uu sheegay in wadamada kale looga baahanyahay inay ku daydaan oo ay si toos ah Dowladda Federaalka iyo shacabka ay u soo gaarsiiyaan taageeradooda. Eng. Yarisow ayaa yiri “Turkiga waa wallaal si kal iyo laab ah u taageera Somalia.”

Kulanka maanta uu Wasiirka Warfaafinta la qaatay Safiirka Turkiga ayaa ah dadaalo uu beryahan waday Wasiirka oo uu ku xoojinayo xiriirka dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya si taageero loogu helo qorsheyaasha wasaarada warfaafinta oo uu Wasiirku damacsanyahay inuu dib u habeyn weyn ku sameeyo Wasaarada iyo howlaheeda si loo hirgeliyo maamul wanaag kalsooni gelin kara shacabka Soomaaliyeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300