Published On: Mon, Apr 10th, 2017

Al-shabaab oo sheegay in MW:Farmaajo uu madaxdii ka horreysay dheeryahay fudeyd

Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay dagaalka uu dhawaac ku dhawaaqay madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Afhayeenka dhanka howlgallada Xarakada Al-shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab,ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan ugu horreyn Madaxweyne ku dhawaaqo dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Waxaa uu xusay in C/llahi Yuusuf Axmed,Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay dhamaan ku dhawaaqeend agaal ka dhan ah Al-shabaab islamarkaana ay ku fashilmeen sida uu yiri.

C/Casiis ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu madaxda ka horreysay uusan waxba uga duwaneyn marka laga reebo in uu dheeryahay fudeyd isaga u gaar ah oo uu madaxda kale kaga duwan yahay.

Wxaaa uu xusay in dagaalka Al-shabaab iyo dowladda uu sii socondoono,islamarkaana Al-shabaab ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah dwoladda Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300