Published On: Sun, Apr 9th, 2017

Xaflad Billad sharafeed lagu siinayo Gud.Jawaari oo ka socota Muqdisho

Munaasibad Billad sharafeed lagu siinayo Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka socota Magaalada Muqdisho.

Munaasibaddan waxaa soo agaasimay Dowladda Waddanka Talyaaniga,waxaana billaddan uu Mr Jawaari ku muteystay shaqo wanaag karti iyo howl gudasho.

Dowladda Talyaaniga ayaa sidoo kale sababta ay u bixineyso billad sharaftan lagu sheegay in ay tahay in Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu ka shaqeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga sidii uu u soo laaban lahaa una xoogeysan lahaa.

Munaasibadda waxaa goob joog ah danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya,saraakiil ka socota Dowladda Talyaaniya iyo Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Jawaari ayaa ka qeyb gelaya munaasibadda ka socota Muqdisho.

Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya oo wakiil ka ah dowladdiisa ayaa la filayaa in billad sharafeedka uu ku wareejiyo GUddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300