Published On: Sun, Apr 9th, 2017

Wasiir Juxa oo baaq u diray Beesha Caalamka

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in ay dadajiso gargaarka ay ugu tala gashay dadka Soomaaliyeed ee abaartu ay saameysay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aysan suurta gal ahayn in la dhaho degaanada qaar Al-Shabaab ayaa ku sugan gargaar lama gaarsiin karo, waxa uuna tilmaamay in ay muhiim tahay in degaan walbo oo dadka Soomaaliyeed ay ku dhibaateysan yihiin in gargaar la gaarsiiyo.

Wasiir Juxa ayaa sidoo kale xusay in dad badan ay abaartu saameysay loona baahan yahay in kaalinta beesha caalamka si deg deg ah ay u muujiso.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku gurmadaan oo ay ka shaqeeyaan sidii gacan shisheeye loogu maarmi lahaa.

Beesha Caalamka ayaa horay u balan qaaday in lacago fara badan ay ku bixineyso badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee abaartu ay saameysay,

Degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka ayaa waxaa ka jira abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300