Published On: Sun, Apr 9th, 2017

Madaxweyne Farmaajo oo maanta safarkiisii 4aad u aadaya dibadda

Farmaajo waxaa Imaaraadka uga sii Horeeyay Wasiirka Cusub ee Arimaha dibeda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Mid kamid ah lataliyayaasha Farmaajo oo lagu Magacaabo Balal Cismaan.

Madaxweynaha ayaa isku dayaya inuu Imaaraadka ka dhageysto warbixin la xiriirta waxa ay ka damacsanyihiin Dekedaha Dalka oo ay qaadanayaan Maalmahan.

Imaaraadka ayaa horay heshiis ku qaatay Dekeda Berbera heshiiskaas oo soconaya Rubuc Qarni mana jirto wax dowladda ay kala socoto heshiiskaas.

Masuuliyiintii Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegaa iney qeyb ka ahaayeen Qorshaha DP WORLD lagu siiyay dekeda iy saldhiga Berbera.

Imaaraadka ayaa Khamiistii ina dhaaftay waxa uu qaatay dekeadii labaad waana tan Boosaaso iyadoo Xubno ka socday DP World ay Madaxweyne Gaas ka saxiixdeen heshiis ku kacayay 30 Sano

Dad badan oo odoroso siyaasada ayaa sheegaya ineysan filaneyn in Madaxweyne Farmaajo uu ku dhici karo in Imaaraadka uu ka soo celiyo dekedahaas ogaal la’aanta dowladda la iska qaatay, Taa Badalkeed ayey kuu sheegayaan in ugu yaraan dowladda lagu qanciyo waxa y Imaraadka ka damacsanyihiin dekedaha ay qaateen uu doonayo Madaxweyne Farmaajo inn sharaxaad laga siiyo

Farmaajo ayaa horay safari ugu kala biixyay dalalka Sucudi Carabiya,Kenya iyo Jordan waxeyna safarkan noqoneysaa kiisii 4-aad uu dalka uga Booxo.

Madaxweynaha la doortay Sideedii Bishiii hore ee Februarty ayaan wali tagin Gobolada dalka Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300