Published On: Sun, Apr 9th, 2017

La Taliyaha Amniga Qaranka oo sharaxaad ka bixiyay dagaalkii uu iclaamiyay Madaxweynaha

Xuseen Macalin ayaa sheegay in arrinta xaalada dagaal aysan macnaheedu aheyn xaalad deg deg ah, balse ay tahay xaalad lagu xoojinayo ama lagu dar dar gelinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mr Damuumaaye ayaa sheegay in tallaabadan ay ku timid kaddib markii Madaxweyne Farmaajo uu horay u balan qaaday inuu mudnaan gaar ah siin doono arrimaha amniga, taasna ay ka dambeysay in dib u habeyn lagu sameeyo Taliyeyaasha ciidamada.

“Micnaha Xaalad dagaal, lama mid ahan xaalad deg deg ah, sababta waxay tahay hadii xaalad deg deg ay jirto waa marka ay khatar weyn soo wajahdo dalka, waxaa jira nidaam loo maro oo ugu dambeyn Baarlamaanka ay tahay cida soo saari karta xaalad deg deg”ayuu yiri La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga Qaranka.

Hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee khamiistii uu dagaalka ku iclaamiyay ayaa dad badan siyaabo kala duwan u fasirteen, waxaana dadka qaar is weydiiyaan, dagaalka uu ku baaqay Madaxweynaha waxa uu uga duwanaa dagaalkii horay u jiray iyo xaaladii is bedelka Taliyeyaasha ciidamada ee sida deg degta ku dhacday.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300