Published On: Sun, Apr 9th, 2017

Ciidamada dowladda oo xabsiga dhigay Askari dilay qof Shacab ah

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Xabsiga dhigay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya oo shalay degmada Baled xaawo ku dilay nin Taksiile ahaa.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baled xaawo ayaa Risaala u sheegay in maalmo ka hor Taksiilahaasi la dilay lasoo xiray ka dib markii ay Murmeen Askariga , ka dib waxaa suurgashay in lasii dhaayo Taksiilaha , waxaana iridda Hore ee xarunta Saldhiga ku dilay Askarigii ay murmeen.

Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Askariga ay xabado ku fakatay ninkaas.

Ciidamada Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay qabtaan Askarigii Falkaasi geystay.

Mas’uuliyiin ka tirsan  maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in Maxkamad lasoo taagi doono Askarigaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300