Published On: Sun, Apr 9th, 2017

Booliska Norway oo bam la dhigay badhtamaha Oslo kala furfuray

Booliska ayaa sheegay in ay kala furfureen walax la moodayey in ay tahay bam oo la dhigay badhtamaha magaalo madaxda Oslo ee dalka Norway.

Askar ayaa xidhay aag ballaadhan oo ku yaal Gronland habeenimadii Sabtida ka hor intii aanay goobta soo gaadhin khubarada bambaanooyinka si ay u kala furfuraan walaxdaa bamba looga shakiyey.

Af-hayeen u hadlay booliksa ayaa sheegay in “dayaankii” ka baxay walaxdii la qarxiyey ahaa mid ka wayn dhawaqa qaraxa bambaanooyinka fudud. Waxaana la sheegayaa qof lagu tuhunsanyahay arrintan in la xidhay.

Booliksu marka horeba heegan bay ku jireen wixii ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Sweden Jimcihii. Halkaas oo nin baabuur nooca xamuulka ah wataa uu dukaan duqeeyey afar qofna uu ku dilay 15 kalena ku dhaawaca.

Weerarkaasi wuxu ahaa kii ugu xumaa ee ka dhaca wadamada gobolka Nordic tan iyo sannadkii 2011 oo ninkii xagjirka midigta fog ahaa, Anders Brevik uu ku dilay 77 qof dalka Norway.

Booliska Sweden ayaa xaqiijiyey Sabtidii in ay ka heleen kursigii dirawalka baabuurkii dadka jiidhay walax aan la garanayn waxay tahay balse ay haatan baadhayaan.

Walaxdan laga helay Oslo ayaa boolisku sheegeen in ay khasaare aan badnayn dhalin karaysay isla markaana ay baadhitaankeeda la wareegeen qaybta nabad sugidda ee booliska Norway.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300