Published On: Sat, Apr 8th, 2017

Xasan Sheekh oo Mareykanka ugu baaqay in dagaalka Al-shabaab uu la kaashado dowladda Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Maamulka Madaxweyne Trump ugu baaqay in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab uu la kaashado dowladda cusub ee Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Wargeyska Newsweek ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa sidoo kale Mamaulka Donald Trump ugu baaqay in ay ka fogaadaan khasaaraha shacabka.

Maamulka Donald Trump ayaa dhawaan fasaxay kordhinta howlgallada Mareykanka ee ka dhanka ah Al-shabaab kaddib markii codsi noocaas ah uu ka yimid Waaxda difaaca Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu mareykanka ka dalbaday in uu ka fiirsado howlgallada uu ka fulinayo Soomaaliya si loo baajiyo khasaare soo gaara dadka rayidka ah waxaana uu si ay taas u dhacdo u jeediyay Mareykanka in uu la kaashado dowladda cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in khasaare gaara shacabka oo ka dhasha weerarrada Mareykanka ay faa’ido u tahay Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay in ay Ciidan qoranayaan oo ay taageero ka heli doonaan gudaha shacabka.

Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in intii uu Madaxweynaha ahaa ay dowladdiisa xoogga saartay in weerarrada Mareykanka aysan khasaare u geysan shacabka,waxaan auu xusay in Mareykanka iyo Soomaaliya ay iska kaashanjireen weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab,taasna ay sababtay in la xadido khasaaraha shacabka ka gaari lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300