Published On: Sat, Apr 8th, 2017

Wasiirka Amniga oo Xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Booliska degmada Xamar Weyne

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ( Ducaale ) oo Kormeeray xalay qaar ka mid ah Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Saldhiga Degmada Xamar Weyne.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay kadib  markii Taliyaha Booliska Saldhiga Degmada Xamar Weyne uu ka maqnaa Xarunta Saldhigaasi.

Waxaana Wasiirku u Magacaabay Xilkaas Sarkaal kale oo isagoo Saldhiga ku sugan uu ugu tagay islamarkaana gudanaya howshiisa.

Si kastaba Wasiirka Amniga Xukuumadda Cusub ayaa dadaal ugu jira sidii Amni uu ugu soo dabaali lahaa deegaanada dowladda Soomaaliya ay ka arrimiso oo ay ugu horreyso Caasimadda Muqdisho.

About the Author

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. Sugidda abniga Mogadishu/waa in magalada lagu sameeya baaritaan guri ka guri ah.kaas oo loo wada dhanyahaya dhamaan cidamada qalabka sidaa..baaritaankaas oo bilawda sagaalka habeenki ilaa todaba sac duxurkii.waa in la wataa qalabbka lagu baaro miinada iwm ah sii loo helo hubka ku duugan dhulka.waa in aad loo ilaaliya sirta howlgalka cidanka sida waqtiga howlgalka iyo meesh ka dhacaayo.haddii sidaa lagu dhaaqo waan hubaa in lagaari nabad ka dhacdaa caasimada somaliyeed. wadashaqeynn wacan

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300