Published On: Sat, Apr 8th, 2017

Wasiir Beyle oo maanta gacantiisa ku qaaday Canshuurta Qaadka ka soo dega Muqdisho!

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta waxaa uu tagay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,waxaa ay booqashadiisu ahayd sidii uu ugu kuur gali lahaa lacagaha laga qaado  Qaadka ka soo dega Muqdisho ee Canshuurta ah.

Qof ka mid  ah Ganacsatada Qaadka oo diiday magaciisa ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in Wasiir Beyle uu maanta gacantiisa ku qaaday Canshuurta Qaadka ka soo dega Muqdisho.

Ganacsadahaas ayaa inoo sheegay in lacagta Canshuurta ah kala bar ay ku dhici jirtay Akoonka Wasaaradda Maaliyadda,halka lacagta kale ay si khaldan u mari jirtay meelo aan sax ahayn.

Waxaa uu sidoo kale intaas ku daray in Manata uu Qaadka dib u dhacay islamarkaana uu ka soo daahay xilligii uu iman jiray muddo Saddex saac ah.

Wasiir Beyle;ayaa waxaa uu maanta baajiyay lacago badan oo  musuq maasuq ku bixi jiray,waxaana Ganacsadaha magaciisa qariyay uu inoo sheegay in maalin waliba ay lacago badan ku lumi jireen qaab musuq maasuq ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300