Published On: Sat, Apr 8th, 2017

Suxufi Cabdi Maalik Coldoon oo laba sano xarig ah lagu xukumay

Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ee Magaalada Hargaysa ayaa maanta xukun laba sano xarig ah waxa ay ku riday Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xirnaa Magaalada Hargaysa.

Qaadiga maxkamada ayaa ku dhawaaqay in xukunka Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon uu yahay xarig laba sano ah, kadib markii cadeymo kala duwan la horkeenay maxkamada oo ku saabsan eedeymaha loo soo jeediyay Wariyaha.

Somaliland ayaa Suxufigan ku eedeysay inuu meel uga dhacay madax ka tirsan Xukuumadda Somaliland, sidoo kalena uu taageero u muujiyay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo sidoo kale ah Samafale ka shaqeeya arimaha u gar gaarida shacabka dhibaateysan, ayaa dad badan siyaabo kala duwan waxa ay uga hadleen xukunka maanta lagu riday.

Qareenada u doodaya Wariye Cabdi Maalik ayaa sheegay inay xukunka racfaan ka qaadanayaan, islamarkaana aysan ku qanacsaneyn xukunka maxkamada.

Sidoo kale ehelada Suxufi Cabdi Maalik, ayaa sheegay in xukunkaasi uusan sharci aheyn, islamarkaana Racfaan ay qaadanayaan, maadaama aysan ku qanacsaneyn xukunka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300