Published On: Sat, Apr 8th, 2017

Qunsuliyadda Somaliya ee dalka Pakistan oo la dhacay

Koox Burcad ah ayaa habeenkii Jimcaha u dhacay Qunsuliyadda Somaliya ee Magaalada Karachi ee dalka Pakistaan, waxayna halkaasi ka qaateen agab kala duwan.

Tuugada u dhacday Qunsuliyadda ayaa waxa ay qaateen Computerro, Taleefoono iyo lacago kaash ah oo ay ka qaateen xarunta Qunsuliyadda oo dhawaan la un dib loo furay.

Ragga galay Qunsuliyadda ayaa waxaa ay tiradoodu ahayd 7 nin ah ayaa waxa ay galeen gudaha Qunsuliyadda waxaana ay ka qaateen laba Labtop,3,Taleefannada gacanta ah iyo Lacag Kaash ah oo gaareysa RS 7,000 (Todobo kun oo Rubbi).

Saqib Ismail Memon,oo ah Sarkaal ka tirsan Booliska Degmada Koofureed ee Karachi ayaa sheegay in dhacdadan ay wali baaritaan ku hayaan kuna daba jiraan ragga tuugada ah ee u dhacay Qunsuliyadda Somaliya ee Karachi,Pakistan.

Qunsuliyadda Somaliya ee Karachi,Pakistaan ayaa la furay 16-kii Bishii March ee la soo dhaafay,waxaana xilligaas ay ku beegneyd xuska 57 Guurada xiriirka labada dal ee Somaliya iyo Pakistaan.

Saraakiisha Somalida ee Qunsuliyadda ayaa Booliska ka dalbaday inay si dhab ah u baaraan kiiskaan dhaca ah ee loo gaystay Qunsuliyadda Somaliya ee dalka Pakistan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300