Published On: Sat, Apr 8th, 2017

Qaraxyo lagu qabtay Kismaayo

Saraakiisha ammaanka Magaalada Kismaayo, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Qaraxyo Ururka Al Shabaab ay qorsheynayeen inay ka fuliyaan Magaalada Kismaayo

Ciidamada Nabad Suggida Jubbaland oo hawlgal ka sameeyay Magaalada Kismaayo, ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan miinooyin lagu diyaarinaayay guri ka mid ah xaafaddaha Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ciidamada Nabad Suggida Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay ciidamada inay ku guuleysteen soo qabashada waxyaabahan qarxa oo Shabaab ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka.

Wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan ninkii diyaarinaayay qaraxyada gurigiina ay la wareegeen ciidamada Jubbaland.

“Hawlgalo ballaaran oo ciidamada ay sameeyeen, ayaa waxa ay ku soo qabteen miinooyinkaan horteyda yaalla oo ay rabeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Somaliyed, guri ayeey ku sameynayeen miinooyinkaan iyo qalabkaan aad arkeysaan, gurigii iyo cadowgiina waa la soo qabtay.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Waxa uu intaasi ku daray in ruuxa ay soo qabteen ay u gudbinayaan maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland si xukun sharci ah loogu rido ruuxaasi.

Al Shabaab ayaa qaraxyo ka gaysta Magaalada Kismaayo oo fariisin u ah Maamulka Jubbaland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300